Somalisch
Shabakada luqada (taalnet) waxay kaa caawinaysaa barashada luqada Nederland(ka) ama af-dhajka. Haddii aanad ku haddal luqada Nederland(ka) ama aanad akhriyin, waxaad isticmaali kartaa kombiyuutar kaa caawinaya arrintan luqada Nederland adoo isticmaalaya shabakada luqada. Isku day koorsada lagu magacaabo Begin! amaba haddii aad bilaabi karto koorsooyin kale.
Shabakada luqaduhu waxay kuu bandhigaysaa macluumaad la xidhiidha barashada Af-Nederland(ka). Isku day inaad wixii caawimo ah weydiisato E-centre@, qaybta dugsiyada luqadaha ama hay’adaha ama ururada kale. Wixii su’aalo waad weydiin kartaa, ka dibna wixii tilmaan ama talo ah waad helaysaa. Macluumaadka badankiisu wuxuu ku qoranyahay luqada Nederland(ka). Akhrinta badan ee Nederland(ku) waa dariiqada ugu fiican ee lagu barto luqada. Haddii aanad fahmin kalmad, waxaad markaa ka turjuman kartaa shabakada luqada (Taalnet-vertaler)
Sidoo kale wixii talo ee la xidhiidha khibradaada waad u soo gudbin kartaa shabakadan ama bogga internatka.
Shabakada luqada (taalnet) waxaa dhaqaale ahaan ka mas’uula magaalada Rotterdam.
|